WAX BADAN KA OGOOW WADNAHA OO SI KADIS AH U ISTAAGA

WAX BADAN KA OGOOW WADNAHA OO SI KADIS AH U ISTAAGA

Wadnuhu in uu si kadis ah u istaago waa xaalad khatar ah taas oo micnaheedu uu noqonayo in dhamaan garaacii wadnaha uu istaagey waana xaalad uu qofku si kadis ah uu udhiman karo.

MAXAA SABABI KARA IN WADNUHU UU SHAQADA JOOJIYO?

Wadnuhu waxa uu leeyahay 4 qaybood labo sar sare iyo labo hoos hoose oo dhiiga u banbeeya jirka 4taas qaybood mid kamid ah ayaa ciladi ku imaan kartaa taas oo keeneysa in ay banbeyn waayaan ama ay jirka u tuuri waayaan dhiig ku filan ugu danbeyna sababeysa in uu istaago garaacii wadnaha natiijada ka dhalatana ay noqoneyso dhimasho lama filaan ah.

Sidoo kale waxaa sababi kara waa in halboowlahawadnaha dhiiga keena ay xeyr ama dufan isku tagey ay ku uruuraan ama ay ku uruurto xinjir dabadeedna ay xiraan qulqulka dhiigii imaan jirey wadnaha sidaasna wadnuhu uu howl gab ku noqdo,

Sidoo kale waxaa sababi kara xanunkan in ilmaha yari uu ku dhasho wadnahiisa oo aan u sameysneen sidii caadiga ahayd sidaasna uu ku galo xaaladan.

MAXAA FUDUDEEYA AMA KEENA IN HALBOWLAYAASHA WADNUHU AY XIRMAAN?

  • Sigaarka.
  • dhiikarka.
  • jrka in ay ku yaraadaan macdanta potassium iyo magnesium
  • jirka oo ay xeyrtu ay ku badato.
  • buurnaanta.
  • jimicsi la’aanta.
  • qamrida.
  • stress ka ama welwelka walbahaarka fakarka badan.
  • Waalidiintaa ama qaraabadaada hadii uu horey ugu dhacay adna khatar ayaad ugu jirtaa.
  • da’daadu hadii 45 sano dhaafto sidoo khatar ayaad ugu jirtaa. Dhalinyaradana waa ku dhici karaa lkn ma badna.
  • Nimanka ayuu inta badan ku dhacaa.

CALAAMADAHA QOFKA KASOO MUUQAN KARA MARKA UU SOO HAYO XANUUNKAN

  • bog xanuun
  • daal iyo tabar darro
  • dhidid
  • lalabo iyo matag
    -madax wareer ama dawakhaad.
  • qaybta sare ee jirka oo xanuunta.
  • dhibaato neefsiga ah .
  • garaaca wadnaha oo isbadala.

MARKA UU KU DHACO CALAAMADAHA LAGU ARKO

  • xabad xanuun
  • garaaca wadnaha oo istaaga
  • qofka in uu neefsan waayo
  • qofka oo dhumiya miyirka ama suuxa

Hadii aad calaamadahaan isku aragto ama aad ku aragto qof kuu dhaw fadlan si deg deg ah ula xiriir qaybta gargaarka deg degga ah si horey looga caawiyo qofkaas inta uusan xaalad halis ah sii galin.

SIDEE LOO DAAWEEYAA XANUUNKAN?

Hadii horey laga ogaada xanuunka waxa uu kuu sameynayaa dhakhtarku qaliin uu kuugu furayo xididadii wadnaha imaan jirey ee xirmey,

sidoo kale hadii ciladi ay ka jirto hibaaqyada wadnaha dhakhtarka ayaa qaliin lagu hagaajinayo ayaa kuu sameenaya.

Hadii xididadaas la furana waxaa macquul ah in si caadi ah shaqdii wadnaha ay usoo laabato,

Hadii dhiiga uu kacsanyahay dhakhtarka ayaa ku siinaya daawooyin dajinaya dhiiga.

hadii xadiga dufanka uu kacsanyahay sidoo kale waxa ku siin daawooyin dajiya.

Sidoo kalana dhakhtarku uu ku siiyo daawooyin kaalmaati ah oo ka hor tagaya in mar kale ay sidii u xirmaan xididada wadnaha kana hortagaya xinjiroowga dhiiga.

SIDEE UGA HORTAGI KARTAA XANUUNKAN?

  • sigaarka iyo shiishada iyo dhamaan maadooriyayaasha iska jooji.
  • hadii aad cayilantahay miisaankaada iska dhin
  • Jimicsi badan samee
  • iska yaree fakarka badan wel-welka iyo walbahaarka.
  • hadii aad qabto xanuunada sonkoroowga, dufanka iyo dhiikarka iska yaree in aad qadato sonkorta, dufanka badan iyo cusbada.

U Share gareeya asxaabtiina ama halkan uga wac qof ama labo muhiim kuu ah si uu uga faaiideysto.

Dr Amen

Share

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s