WAX BADAN KA OGOOW HALISTA DAAWOOYINKA LA’ISKU CAYILIYO(QARXIYE) (STEROIDS)

WAX BADAN KA OGOOW HALISTA DAAWOOYINKA LA’ISKU CAYILIYO(QARXIYE)
(STEROIDS)

Cortisol waa hoormoon si dabiic ah jirka uu u sameeysto waxaana laga soo saaraa qanjirada Adrenal glands ee ku koryaala labada Kelyood,
waxaana inta badan la soo saara marka qofku uu ku jira marxalada kacsanaanta sida “stress/welbahaarka”
Shaqada ugu weyn ee uu jirka u qabtana waa in uu hoos u dhigo caabuqa jirka soo wajaha,

Corticosteroids waa daawooyinka ay hada isticmaalaan haween badan si ay iskugu cayiliyaan qayb badan oo kamid ahna waxaa laga sameeyaa daawooyinka la isku cadeeyo waxayna shabahaan hoormoonka “Cortisol”

XANUUNADEE LAGU DAAWEEYAA DAAWADAN?

Dhakhaatiirtu waxa ay ku daaweeyaan daawadaan xanuunada qayb kamid ah sida
Alerjiga, kala-goysya xanuunka,asmada/neefta, maka qofka xubin uusan lahayn loogaliyo sida kelida ama beerka si ay daawadaan hoos ugu dhigto difaaca jirka, caabuqyada,marka difaaca jirkaada uu weeraro xubnaha jirkaada waa la qaataa daawadan si difaaca jirka loo yareeyo,

MAXAA KA DHASHA HADII LOO ISTICMAALO IN LA ISKU CAYILIYO DAAWADAAN IYADOO SI KHALAD AH LOO ISTICMAALAYO?

  • midabka jirka oo luma
  • nabaro afka kasoo baxa
  • dhuunta oo nabaro yeelata
  • xanuunka neefta oo qofka ku dhaca
  • duuf fara badan oo sanka ka socda
  • hurdo la’aan
  • Wajiga oo kubad cml noqda wareeg ah
  • araga oo qofka kaluma
  • biyo badan oo caloosha gala
  • dabeecada qofka oo xumaata
  • faruurac wajiga kasoo yaaca
  • indhaho la’aan
  • kelyaha oo qofka fariista isagoo yar
  • xanuunada wadnaha oo ku dhaca
  • dhiikar
  • sonkoroow/macaanka
  • si deg deg ah timaha qofka oo u kora
  • nabar caloosha ku sameysma
  • wel wel walbahaar stress
  • lafaha oo burbura
  • barar iyo biyo gala unugyada calooosha iyo dabada iyo wajiga oo qofku umaleeyo baruur, gacmaha iyo luguhuna ay aad u dhuubtaan sida sawirka naagta hoose ka muuqda.
  • jadeeco iyo busbus ayey caruurta u keentaa.
  • murqo xanuun
    -daal badan
  • kaadida oo qofka gubta
  • dareenka sariirta oo dhuma
  • ma dhalaysnimo
  • calaamada mad madoow oo caloosha iyo naasaha kasoo muuqda.
  • madax xanuun joogto ah
    iyo dhibaatooyin kale oo intaan kasii badan

TALO SOO JEEDIN KU SOCOTA DADKA ISTICMAALA DAAWADAAN

Fadlan hadaad horey u isticmaali jirtey daawadaan oo aad hada isticmaasho si aad iskugu cayiliso iska jooji si aad uga nabad gasho dhibaatadan ay nafsadaada u keenayso daawadaan,

Fadlan hadii aad ku talo jirtey in aad isticmaasho daawadaan ka digtoonoow hadii aad jeceshehay inta aad nooshahay in aad caafimaad ku noolaato,

Fadlan hadii aadan isticmaalin aadana kutalo jirin in aad isticmaasho uga dig kana wacyo gali bulshada kugu xeeran iyo asxaabtaada in aysan isticmaalin daawaadaan halista badan,

DIGNIIN DIGNIIN DIGNIIN

Hadaad hada isticmaasho daawadaan oo aad rabto in aad iska joojiso fadlan ka digtoonoow oo ka digtoonoow oo mar sadexaad ka digtoonoow in aad halmar iska joojiso daawadaan,
sababtoo ah hadii aad hal mar wada joojiso daawadaan waxaa kugu soo deg degeyso halista daawadaan,
ee isku dey si tartiib tartiib ah in aad iskaga joojiso adiga oo iska yareenaya inta xabo oo aad ka qaadan jirtey ama inta aad ka isticmaali jirtey ama waqtiyada aad isticmaali jirtey,

Tusaale hadii aad sadex xabo isticmaali jirtey ka dhig hal xabo 3dex bari markaad sidaas kuwadana iska joooji dhamaantiis,

Hadii aad sadex waqti ama labo waqti cuni jirtey hal waqti kusoo koob intii xabo aad cuni jirteyna soo yaree oo hal ka dhig ama jab,

Codsi waa Cashar muhiim u ah bulshadeena fadlan gaarsii oo u SHARE garee si aad uga bad-baadiso ugu yaraan hal qof halistaan, ama halkaan ugu wac.

Dr Amen

SHARE

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s