WAX BADAN KA OGOOW DHIIGKARKA

WAX BADAN KA OGOOW DHIIGKARKA

Dhiikarku waa marka uu kordho cadaadiska dhiiga ee xididada jirka,wuxuuna cadaadiska dhiigu uu kordhaa marka ay yaraadaan ama dhuudhuubtaan xididada ama halbowlayaasha dhiiga qaada.

sanado badan ayuu ku hayn karaa adoon ka warqabin wax calaamad ah oo muuqdana aan lahayn,

waxa uu waxyeelo daran u geystaa xididada dhiiga qaada, maskaxda, wadnaha,indhaha iyo kelyaha.

CALAAMADAHA DHIIKARKA.

Dhiikarku waa xaalad aamusnaan ah oo aan si hore loo ogaan
Inbadan oo dadka kamid ah maka soo muuqdaan wax calaamad ah marka uu ku dhaco xanuunkan.
Sanado ama tobanaan sano ayey qaadata in la ogaado waana marka uu marayo marxalada ugu danbeysa.

Waxaana kasoo muuqda calaamadahan.

  • madax xanuun.
  • neefta oo dhibta.
  • sanka oo gororo dhiig ka yimaado.
  • madax wareeer
  • xabad xanuun
  • aragtida oo yaraata
  • kaadida oo dhiig soo raaco Calaamadahaasi waxay u baahan yihiin daryeel caafimaad oo degdeg ah.
    laakiin sugitaanka calaamad muujinaysa xaaladdan si ay u muuqato waxay noqon kartaa dhimasho. Habka ugu fiican ee lagu ogaanayo haddii aad qabto dhiig-karka waa in la cabiraa cadaadiska dhiiga joogtada ah.
    Xafiisyada dhakhaatiirta badankood mar walba cadaadiska dhiiga way ka cabiraan bukaan walba oo booqda. Tusaale ahaan, haddii aad leedahay taariikh qoyseed oo wadna xanuun ah dhakhtarkaagu wuxuu kugula talin karaa inaad cadaadiska dhiiggaaga labaaro laba jeer sannadkii. Tani waxay kaa caawineysaa adiga iyo dhakhtarkaagu inay ka hortagaan xaalad kasta oo suurtagal ah ka hor intaanay dhibaato noqon.

MAXAA SABABA DHIIGKARKA?

Cilmi-baadhayaashu weli wali ma cadeen farsamooyinka keena cadaadiska dhiigga si tartiib tartiib ah u kordho. Waxyaabaha isku dhafan ayaa laga yaabaa inay door ka ciyaaraan in uu yimaado dhiikarku. Arimahaana waxaa ka mid ah:

  • in aad waalidiintaa ka dhaxasho hadey qabeen.
  • kelyaha oo dhibaato gaarto
  • miisaankaada oo kordha
  • jimicsi la’aan
  • da’daada oo kororta
  • cudurada wadnaha ku dhaca
  • hurdo la’aan waqti dheer ah
  • daawo qaldan oo aad isticmaasho
  • dhibaato gaarta qanjirada qayb sida Thyroid iyo adrenal glands.
  • cusbo badan oo la qaato.

YAA KHATAR UGU JIRA IN UU KU DHACO DHIIGKARKA?

1= da’daada oo weynaato qiyaas ahaan ragga 45 ka weyn dumarka ayaga inta badan waxa uu ku dhacaa 65sano kadib.
2= hadii ay waalidiintaa ay qabeen wuu kugu dhici karaa.
3= hadii aad cayilantahay.
4= jimicsi la’aan
5= tubaakada ama sigaarka oo aad cabto.
6= qamriga
7= cusbo badan oo aad isticmaasho
8= stress( walwalka,walaaca)

SIDEE LAGU OGAADA IN AAD QABTO DHIIKARKA.

Qofka caadiga ah ee aanan qabin dhiigkarka cadaadiska dhiigiisu qiyaas ahaan waa

120 mm Hg oo dhiiga sare ah
80mm Hg oo dhiiga hoose ah

Goorma la dhihi karaa qof hebel waxa uu qabaa dhiigkar?

Hadii uu cadaadiska dhiigiisku uu kasaro maro qofka 140mm Hg oo qaybta sare ah iyo 90mm Hg qaybta hoose ah qofkaasi waxaan dhihi karnaa waxa uu qabaa xanuunkan

Marka la cabirayo waa in uu qofku uu ku jiraa marxalad degan oo nasiino ah si uusan cabirku u qaldamin.

Si loo xaqiiyo in qofka uu qabo waa in la cabiraa sadex waqti oo kala duwan ama sadex maalmood.

Hal mar oo la cabiro laguma go’aansan karo qofka in uu qabo dhiigkar.

SIDEE LOO DAAWEEYAA DHIIGKARKA.

marka uga horeysa waxaa lagula taliyaa qofka dhiikarka qaba in uu nolashiisa wax badan uu ka badalaa cuntada uu cunayo iyadana uu waxbada ka badalaa tusaale ahaan wa in uu cusbada iska dhaafaa isticmaalkeeda.

DAAWOOYINKA LAGU DAJIYO CADAADISKA DHIIGA.

1= Beta-blockers: oo ah daawooyin hoos u dhigaya garaaca wadnaha si hoos loogu dhigo cadaadiska dhiiga.

2= Diuretics: oo ah kaadi badiyaal kuwaas oo soo saaraya Sodium tii badneed ee jirka ku jirtey maadaama Sodiumtu ay kordhiso cadaadiska dhiiga.

3= Alpha-2 agonists: Noocaan daawo ayaa beddela dareemayaasha neerfaha kuwaas oo keena in xididdada dhiigga la adkeeyo. Tani waxay ka caawineysaa marinnada dhiigga inay ku nastaan, taasoo hoos u dhigeysa cadaadiska dhiigga.

Iyo noocyo kale oo badan ayaa daawo u ah xanuunkan.

TALO SIIN SI AAD U XAKAMEYSO CADAADISKA DHIIGA.

1= Cuntadaada wax badan ka badal
Qudaarta badso waxaadna iska yareeysa hilibka badan
2= jimicsi samee dhex dhexaad ah qiyaas ahaan asbuucii 150 daqiiqo waa in aad socotaa.
3= miisaankaadu hadii uu culusyahay waa in aad hoos u dhigtaa aadna sameysaa jimicsi caafimaad leh.
4= wal-welka ama Stress ka waa in aad iska yareysaa.
5= hadii aad balwad leedahay iska jooji sigaarka,qaadka iyo qamridaba.
6= aad uga yaree cuntada aad cuneyso.

Fadlan U #SHARE garee asxaabtaada si ay u uga dhowrsadaan xanuunkan ama halkan uga wac.

Dr Amen

Share

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s