WAX BADAN KA OGOOW DHAGAXAANTA XAMEYTIDA GASHA

WAX BADAN KA OGOOW DHAGAXAANTA XAMEYTIDA GASHA

Waa maxay xameytidu maxaysa jirka u qabataa?
Xamaytidu waa kiish yar oo ka laad laada Beerka hoostiisa, waxay keydisaa waxa loo yaqaano “bile” oo ah dareere cagaar-jaalle midabkiisu yahay kaas oo caawiya habdhiska dheefshiidka cuntada,

MAXAA SABABI KARA DHAGAXAANTA KU SAMEYSANTA XAMEYTIDA?

  • boqolkiiba 80 xameytida in uu dhagax galo waxaa ku sababa waa dufanka oo ku bata beerkaada sidaasna uu ugu gudbo kiishka xameytida halkaasna ay ku sameysmaan dhagaxaan noocoodu uu yahay jaale,
  • maadada loo yaqaano “bilirubin” oo ku badata kiishka xameytida, maadadni waa kiimikaal lasoo saaro marka beerku uu bur-burinayo unugyada cas-cas ee dhiiga duqoobey ee uusan jirka u baahneen,
    Waxayna jirka ku badataa maadadani marka uu jiro dhaawac ama xanuun beerka ah ama xanuunada dhiiga ku dhaca taas oo sababeysa in beerku uu maadadan oo badan uu soo daayo qayb kamid ah oo badana ay tagto xameytida ayna xamili waydo culeyska maadadaan dabadeed ay dhagax noocoodu uu yahay madoow ama kafey ay ku sameysmaan kiishka xameytida.
  • sidoo kale waxaa sababi kara dhagaxaan in ay gasho xameytida waa xameytida oo ay dhaafiyaan dareerihii “bile” ee lagu keedin jirey inbadana ay ku raagaan sidaasna dhagaxi ku sameysmaan kiishka xameytida.
  • Cusbada iyo kalshiyoomta oo jirka kubadata ayaa iyana keeni kara in dhagaxaani ay galaan xameytida.

YAA KHATAR UGU JIRA XAMEYTIDA IN AY DHAGAAXNI KA GALAAN?

  • dadka buur buuran
  • dumarka oo inta badan uu ku dhaco
  • hooyada uurka leh
  • dadka beerka ka xanuunsan
  • dadka ay waalidiintood xameytida uu ka galey dhagax ayaa iyaguna dhaxli kara xanuunkan.
  • dadka cuna cuntooyinka baruurta ay ku badantahay
  • dadka sida deg-dega ah miisaankooda hoos ugu rida.
  • dumarka qaata daawooyinka uurka ka hortaga ama caadada lagu saxo.
  • dadka ka weyn 60 sano ama ku dhaw.

CALAAMADAHA LAGU ARKI KARO QOFKA AY XAMEYTIDU AY KAGA JIRAAN DHAGAXAAN

  • xanuun qaybta midig ee caloosha ama beerka hoostiisa ah kaas oo siyaadaya marka qofku uu cuno cunto dufanku ama baruurtu ku badantahay.
  • lalabo iyo matag
  • kaadida oo madow noqota
  • saxarada oo iyana dhoobada cml u ekaata
  • calool xanuun saaid ah
  • dibiro ama naqas caloosha buuxiya
  • shuban

Dadka qayb kamid ah iyaga oo ay dhagaxaani kaga jiraan ayey hadana aysan dareemeen wax xanuun ah ama calaamad muujinaysa,
waxaana si kadis ah loogu ogaada dadkaas dhagaxaanta ay kaga jiraan xameytida mar raajo ama baaritaan kale uu marayey cudur kale.

SIDEE LOO DAAWEEYN KARAA XAMEYTIDA AY DHAGAAXAANTU GASHEY?

Inta badan dadka aysan wax calaamad ahi ka soo muuqan dhagaxaanina ay kaga jiraan xameytida uma baahno daawo in ay qaataan,

balse hadii ay qofka ku hayaan xanuun daran oo qofka aad u dhibaya dhakhaatiirtu markaas waxay go’aan ku gartaa qofkaas in loo sameeyo qaliin looga saarayo gabi ahaanba xameytida iyo dhagaxaanta gasheyba,

Hadii qofka laga saaro xameytida wax saameyn ah kuma keeneyso habdhiska dheef shiidka qofka,

SIDEE LOOGA HORTAGI KARAA IN XAMEYTIDU AY GALAAN DHAGAXAAN? MAXAASE LAGA RABAA QOF QALIIN LOO SAMEEYEY IN UU SAMEEYO?

  • miisaankaadu yuusan noqon mid aad u badan
  • halmar si deg-deg ah ha u ridin ama hoos ugu dhigin miisaankaada
  • ka dheeroow in aad cunto baruurta badan
  • jimicsi badan samee
  • cun cuntooyinka dahaarka sare leh sida digirta haruurka galeyda
    -biyo badan cab maalintii ilaa 8 galaas.

U SHARE garee asxaabtaada ama halkan uga wac qayb asxaabtaada kamid ah oo aad jeceshahay in ay ka faaiideystaan qormadaan.

Dr.Amen

Share

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s