CAADO WAREERKA

CAADO WAREERKA

Waa maxay sababta wareega dhiiga caadada ay usoo daahdo ama usoo dhokhsato ama gabi ahaan u maqnaato?

Waa qasab in aad ka welwesho sababta uu kaaga soo daaho dhiiga caadada?
In aad weydo gabi ahaan caadada ama ay kaasoo daahdo sababo badan ayaa keeni kara marka laga yimaado in aad uur leedahay oo in ay caadadu kaa maqnaato waqtiga uurka ay tahay wax dabicii ah,

Waxyaalaha ugu caansan oo sababa caado wareerka waxa ay ka yimaadaan isku dheeli tirnaan ku timaada dheecanada taranka,

Laba jeer ayey caadi ay tahay in waqtiga caadada ay kaa wareerto sida waqtiga qaan gaarka oo ay caadado kugu cusubtahay iyo waqtiga ay hooyadu dhalmada deynayso oo da,deedu ay ka weyntahay 40 sano,

Wareega saxda ah ee caadadu wa in ay 28kii berriba ay kuu timaado hal mar
Waxay sidoo kale caadi ah inta u dhaxeysa 21 berri ilaa iyo 35 berri inta u dhexeysa in ay kuu timaado

Balse hadii ay 35 berri kabadan kaa maqnaato ama ay 20 berri ka yar kuu timaado waxaa macquul ah xanuun in uu jiro,

Waxaana sabab u noqon kara in ay caadadu kaa wareerto sideedaan shey,

1= stress ka ama welbahaarka.
2= miisaanka jirkaada oo aad u hooseeya.
3= miisaankaada oo badan in aad saaid u buurantahay
4= jirkaadu in uu ku bato dheecanada taranka ninka sida androgen.
5= in aad qaadato daawooyinka uurka ka hortaga.
6= in aad qabto xanuunka Sonkoroowga ama macaanka.
7= in ay kugu soo deg degto xiliga ay caadado gabi ahaanba ay hooyadu ka go’do sida sanadaha 39 ilaa 40,
Cel celis ahaan waqtiga ay caadadu sida caadiga ah ay u go’do waa sanadaha u dhexeeya 45 ilaa 55 sano.
8= qanjirka Thyroid in ay dhibaato ka jirto, qanjirkan waxa uu isku dheeli tiraa dheecanada jirka.

Hadii aad calaamadahan la kulanto fadlan dhakhtarkaada booqo

  • dhiig faro badan haduu kaa yimaado.
  • qandho, xanuun aad u daran matag iyo lalabo.
  • dhiig socdo 7 berri wax kabadan.
  • 55 sano adoo ka weyn hadii uu dhiig kaa yimaado.

Qayb kamid ah hadaad isku aragto calaamadahan fadlan booqo dhakhtarkada.

Mowduuca xiga sida la iskaga daaweeyo ayaan idiin soo gudbin doonaa haduu alle yiraahdo.

Gaarsiiya asxaabtiina sida aan idiin soo gaarsiiyey SHARE u dhaha ama halkaan uga waca si ay uga faaiideystaan gabdhaha.

Dr Amen

Share

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s