KA HORTAG MADHALEYSNIMADA

KA HORTAG MADHALEYSNIMADA

Madhalaysnimadu waxay saameyneysaa ilaa 15% lamaanayaasha,

Nasiib wanaag, waxaa jira siyaabo dabiici ah oo lagu kordhinayo bacrimintaada ukumaha si aad uur u qaado,

Xaqiiqdii, isbeddelada cuntada iyo qaab nololeedka waxay gacan ka geysan karaan kor u qaadista bacriminta ilaa 69%,
12kaan hab ayaa kaa caawin kara in aad ka hortagto madhalaysnimada hadaad gabar tahay iyo hadaad wiil tahayba,

1= ISTICMAAL MAADADA ANTIOXIDANTS CUNTOOYINKA AY KU BADANTAHAY

Waxaa maadadan laga helaa qudaarta cagaaran iyo miraha iyo loowska iyo qamandiga,
Qaadashada cuntada dheeraadka ah ee antioksidan ama cunista cuntooyinka hodanka ku ah maadadan ayaa ka hortagga ma dhalaysnimada korna u qaadi kara qiimaha bacriminta, gaar ahaan ragga qaba dhalmo la’aan.

2= HA BADSANIN CUNTOOYINKA DUFANKA SHIILAN LEH

cuntooyinkan ayaa waxaa kamid cuntooyinka la shiilo sida jibsida hanbeegarka hilibka aadka loo shiilo
ayaa dhibaato ugeysan kara ugxansidayaasha.

3= BADSO CUNTOOYINKA DAHAARKA LEH

Cuntooyinkan waxaa kamid ah digirta haruurka iyo galeyda ansalaatada
Iyaga ayaana sare u qaada soo saarista dheecaanada taranka isku dheeli tira xadiga sonkorta dhiiga.

4=BADSO CUNTOOYINKA BOROTIINKA DHIRTA KA TIMAADA LEH

Cuntooyinkaas waxaa kamid ah Lowska masagada qamandiga qudaarta qayb kamid ah halkii aad ka cuni lahayd borotiinka xoolaha ka yimaada sida hilibka.

5= QUDAARTA BADSO

qudaarta badankeeda waxaa laga helaa maadada Multivitamin oo ah maado kor u qaado sameysanka ukumaha iyo shaqada bacraminta.

6= JIMICSI SAMEE JOOGTO AH

In aad jimicsi joogto ah sameyso ayaa kor u qaada xadiga aad uur ku yeelan karto in aadan jimicsi sameyn ayaa cagsi ku ah.

7= QAADO WAQTI AAD KU NASATO

Wel-welka iyo walbahaarka oo kugu bata ayaa yareenaya xadiga aad ilmo qaadi lahayd marka waa in aad hoos u dhigtaa stress ka ku haysta aadna qaadataa waqtiyo badan oo aad ku raaxaysato kuna faraxdo.

8= KAFEYGA ISKA YAREE AMA ISKADAA

Kafeygu aad ayuu u wax yeeleeyaa bacriminta ilmaha hooyada rabta in ay uur yeelato marka wa in ay iska joojisa isticmaalka badan ee kafeyga.

9= MIISAANKAADA ISKU DHEELITIR

Hooyada miisaankeedu uu aad u sareeyo ama u hooseeyo ayaa saameyn taban ku yeelata jaaniska ay uu ku qaadi lahayd marka waxaa wanaagsan hooyadu in aysan miisaan badneen ayna yareyn.

10: QAADO CUNTOOYINKA AY IRONTU KU BADANTAHAY

cuntooyinkan waxaa kamid ah beerka iyo kelyaha xoolaha waxayna sere u qaadayaan bacriminta ukumaha.

11= KA DHEEROOW BALWADA SIDA QAADKA SIGAARKA TUBAAKADA SHIISHADA TAABUUGA XASHIISHKA IYO QAMRIGABA.

Dhamaan maandooriyiyaashaan ayaa qayb weyn ka qaata hadaad isticmaasho in aad madhalays noqoto nin iyo naagba.

12= QAADO QURAAC DHEERAAD AH OO CULUS

Daraasaad la sameeyey ayaa cadeeyey in qaadashada quraac culus iyo yareenta cunto culus habeenkii ay meesha ka saarto madhalaysnimada qayb kamid ah.

.
Sida allaha quraankiisa ku yiri suuratul الشورى aayadaha 49aad iyo 50aad.

( لِّلَّهِ مُلْكُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ ۚ يَخْلُقُ مَا يَشَاءُ ۚ يَهَبُ لِمَن يَشَاءُ إِنَاثًا وَيَهَبُ لِمَن يَشَاءُ الذُّكُورَ )

( أَوْ يُزَوِّجُهُمْ ذُكْرَانًا وَإِنَاثًا ۖ وَيَجْعَلُ مَن يَشَاءُ عَقِيمًا ۚ إِنَّهُ عَلِيمٌ قَدِيرٌ )
Micnahooda labadaan aayadood ay yihin

“Eebaa iska leh xukunka Samooyinka iyo Dhulka, wuxuuna abuuraa wuxuu doono, wuxuu siiyaa cidduu doono gabdho, cidna wuxuu siiyaa Wiilal.”

“Ama wuu isku lamaaneeyaa Wiilal iyo Gabdho, ruuxuu doonana wuxuu ka yeelaa Mandhaleys Eebana wax og, karana.”

Awlaadu waa Naxariis Allaah ayaana bixiya siiyana cidda uu qadarey hababkaan aan kuu soo gudbiyey ayaa ah dadaal aad ku heli karto ilmo haduu alle kuu qadarey.

Qof kasta oo jecel in uu uu Waraso helo waxaan ugu duceynaya in uu Eebahay uu siiyo awlaad kheyr badan.

Gaarsiiya asxaabtiina sida aan idiin soo gaarsiiyey oo u SHARE gareeya ama halkaan ugu yeer qof kuu muhim ah si uu u faaiideysro

Mahadsanidiin waqtiga aad ku akhrisateen

Dr Amen

Share

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s