SIDEE LA ISKAGA DAAWEEYAA WALBAHAARKA AMA STRESS KA?

SIDEE LA ISKAGA DAAWEEYAA WALBAHAARKA AMA STRESS KA?

SIDEE AYUU WALBAHAARKU AMA STRESS U DHACAA?

Marka ay kusoo wajahdo xaalad aadan fileyn oo aad dareento in ay kaa tanbadantahay ayaa maskaxda qaybta hypothalamus ka loo yaqaano waxa ay amreysaa in jirka loo soo sii daayo dheecaanada Stress ka,

Dheceenada walbahaarka ayaa dhamaan badalaya xaalada jirka waxayna galinayaan xaalad kacsanaan ah taas oo kor u qaadeysa garaaca wadnaha, sidoo kale badinaysa xadiga neefsiga dhamaana murqaha jirkana u diyaarinaysa in ay fal celin sameeyaan,

Jawaab celinta uu jirkaadu sameeynayo waxaa loogu talagalay in lagu ilaaliyo jirkaaga xaalada degdeg ah ee ku soo wajahdey iyada oo kuu diyaarinaysa inaad si deg deg ah uga jawaabto. Laakiin marka jawaabta walbahaarku ay sii socoto dheecanada walbahaarkana inbadan la soo saaro xaalada streskana ay daba dheeraato waxa ay u keeni kartaa caafimaadkaaga khatar halis ah iyo in ay kuu horseedo xanuuno qatar ah sida dhiikarka,Sonkorowga iyo xanuunada wadnaha wajaha ee halista ah sidoo kalana waxa ay hoos u dhigeysaa awoodo ragganimo ee ninka dhanka sariirta, haweenka iyagana waxa uu ku sababayaan dheecaanadaasi in ay wajahaan caado wareer dhib badan.

CALAAMADAHA WALBAHAARKA.

  • xanaaq joogto ah
  • cabsi badan
  • wel-wel
  • madax xanuun
  • hurdo la’aan

MAXAA SABABA WALBAHAARKA?

  • qof aad jeceshahay oo kaa dhinta.
  • dhaqaalo yari ku soo wajahda
  • dhibaatooyin qoyseed
  • lamaanahaaga oo aad is khilaaftaan
  • ereyo aad dhibsanayso oo markasta lagu dhaho ama cunsuriyeen lagugula kaco.
  • shaqadaada oo aadan ku qanacsaneen ama mushaarkeedu yar yahay waqti badan aad shaqayso ama shaqo la’aan iyo waxyaalo kale oo badan ayaa sababi kara.

SIDA LOO MAAREEYO WALBAHAARKA.

  • si raaxo leh oo deganaan leh u neefso
  • kala shakeeyso qof aad ku kalsoontahay mushkulada ku haysata
  • buug soo qaado oo qor waxa walbahaarka kuu keeney adiga oo faah faahinaya iskuna dey markaad mushkulada waxa keeney aad qorto in aad is waydiiso sida looga bixi karo kadib qor jawaabaha kugu soo dhaca ee walbahaarka ku haysta aad ku xalin karto ilaa sadex ama wado oo lagu xalin karo qoro,
    Markaas kadib ka dooro wadada kuula muhiimsanaanta kuna dhaqaaq isla markiiba .
  • cunto isku dheeli tiran cun
  • ka dheeroow balwada sigaarka qaadka iyo qamriga iyo mukhaadaraadka iyo kafeegaba.
    -jimicsi samee.
  • samee waxyaalaha ay naftaada ku raaxaysanayso.
  • dadka badan soo dhex gal oo la shakeyso.
  • illaahay xiriir toos ah la samee wayso qaado salaado sunno ahna tuko si uu illaahay kaaga dulqaado culeysyada ku haysta.

Mowduuceena xiga haduu alle yiraahdo waxaan uga hadli doonaa xubnaha uu waxyeelada daran u geysto walbahaarku.

U #SHARE garee asxaabtaada halkaana ugu wac hal qof oo muhiim kuu ah si uu noogu soo taxmo una faaiideysto.

Dr Amen

Share

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s