HALISTA AMA KHATARKA DAAWADA CILAANKA AMA XINIGA LOO ISTICMAALO EE DALWANDI AMA MAHLABIYAD

HALISTA AMA KHATARKA DAAWADA CILAANKA AMA XINIGA LOO ISTICMAALO EE DALWANDI AMA MAHLABIYAD

Maanta waxaan ka hadlaynaa arrin kaloo bulshadu aad u isticmaasho halisna ku ah caafimaadkeeda, waana daawooyinka cillaanka lagu daro oo soomaalidu qaar u taqaano “Dalwandi” iyo “mahlabiyad” afka qalaadne daawooyinkaas waxay ka siman yihiin kiimikada loo yaqaano “Paraphenylenediamine” loona soo gaabiyo “PPD”.

Waxaa daawadaan cillaanka loogu darsadaa si ay midabka dhakhso u soo saarto,cillaankane uga dhigto mid tiq ah.

Daawadaan waxaa badanaa lagu soo daraa madoobeysada la marsado, waxaa kaloo lagu daraa khadka daabacadda dharka iyo dunta laga sameeyo taayarrada gawaarida.

Daawadaan kiimikada ah waxay leedahay halis caafimaadka u daran, waana muhiim in qofkasta oo isticmaalo ogaado, marmarka qaar halisteeda waa loo dhiman karaa.

Dhibaatada ugu horeyso ee laga dhaxli karo waa xasaasiyadda ama allejiga oo gaarsiisan heerka loo yaqaano “Anaphlactic shock” oo ah mid qofka dili karto, xasaasiyadaas oo laga dareemo meelaha cillaanka la mariyay sida maqaarka, tinta, garka iyo sunniyaha, haddii sunniyaha la marsado cillaan leh daawo oo qofka xasaasiyad ku qaado in uu ku indho beelo iyadoo keento laba xaaladooda oo loo yaqaano “keratitis” iyo “Neuritis”.

Haddii aad daawadaan xasaasiyad horey ugu dareentay oo mar kale isticmaashid waa halis in aad u dhimato ayaa dhici karto oo neefsashada kugu dhegto ama cadaadiska dhiigaaga uu hoos u dhaco ama coma aad gasho.

Xasaasiyada ugu horeyso waa qofka oo dareemo in maqaarka midabkiisu isbadalay, cuncun ama jirka oo biyo gashado oo bacoolo yeesho, marmarka qaar dubka ayaa ka kici karo maqaarka oo qofka wuu dhiigbixi karaa ama suntaa dhiiga u sii gudbi karto oo qofka caafimaadkiisa halis ayuu gali karaa.

Dhibaatada kale ee la dareemo waa in daawada oo la joogteeyo keento in dareemaha lugaha ama faraha ay dhaawac gaarsiiso taasoo loo dareemo kabuubyo ahaan, xaaladaan oo loo yaqaano “Toxic Neuropathy”, waa xaalad uusan qofka ku baraarugin marka hore.

Dhibaatada kale ee keento daawada cillaanka “PPD” waxaa ka mid ah kansarrada qaar oo ay soo bandhigtay hay’adda daawooyinka mareykanka ee FDA, kuwaas oo kala ah, kansarka dhiigga, kansarka qanjirrada, kansarka maqaarka, kanasarka naasaha iyo kansarka kaadiheysta.

Cilmibaaris lagu sameeyay xanuunka howlgabka kilyaha oo la arkay inuu ku badanayo dadka ka shaqeeyo saaluunnada iyo meelaha la isku qurxiyo ayaa waxaa la sheegay in lala xiriirnayo sababta ay kilyaha u beeleen daawadaan PPD oo ku badan waxyaabaha ay isticmaalaan.

Halista kiimikadaan waa mid mar hore la ogaaday oo joogto looga digo, wadamo dhowr ah sida jarmalka, Sweden iyo faransiiska waa ka mamnuuc in lagu gado waxyaabo jirka lagu qurxiyo in lagu daro daawadaan.

Jarmalka wuxuu mamnuucay sanadkii 1900-kii.
Faransiisku wuxuu mamnuucay sanadkii 1909-kii.
Sweden waxay mamnuucday sanadkii 1964-tii

U SHARE garee asxaabtaada oo uga dig halosta daawadaan ama halkaan uga wac gabar ama labo kuu muhiim ah.

Somalidoc

Share

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s