CIRID DHIIGGA AMA ILKO DHIIGGA ISKAGA DAAWEE GURIGAADA ADIGA OO JOOGA

Haddii cirridkaaga uu dhiigg ka yimaado markaad cadeysanayso ilkahaaga waxaad  u maleyneysaa inay taasi tahay wax iska  caadi ah Laakiin dhiig-baxa cirridka ayaa muujinaya dhibaatada hoose oo ciridka ka jirto iyo caabuq,

 Daaweynta cirid dhiiigga ayaa ku xiran in aad ogaato sababta keentey cirid dhiiga si aad u daaweyso,

Hadaba waxaan kuu soo gudbinayaa asbaabo hadii aad sameyso ay macquul tahay in aad ka fiicnaanto cirid dhiigga,

  • NADAAFADDA AFKA OO AAD KU DADAASHO,

In aad nadaafada afka iyo ilkaha iyo ciridkaba aad ku dadaasho ayaa qayb weyn ka qaadanaysa in aad ka hortagto caabuqa ciridka in uu sii jiro sababtoo ah caabuqa cirid dhiigga intabadan waxaa keena wasakh ku uruurta ilkaha hoostooda iyo huuro,

  • JOOJI SIGAARKA AMA SHIISHADDA

Sigaarka ayaa lala xiriiriyaa cirid dhiiga cilmi baaris cusub ayaana sheegeysa in uu yahay mid kamid ah sababaha keena cirid dhiiga kuwa ugu waaweyn,

Wuxuu hoos u dhigayaa sigaarka difaaca jirkaada taasoo dhibaato ku noqoneysa ciridku in uu iska difaaco bakteeriyada huurada la socota,

  • ISKA YAREE WEL-WELKA IYO WALBAHAARKA AMA STRESS KA.

 Cilmi baariso is daba joog ah oo lasameeyey ayaa isku wada waa faqdey in stress ku uu si weyn hoos ugu dhigo difaaca jirka mar hadii difaaca jirku hoos u dhacana  jirku awood umalahan in uu la diriro bakteeriyada huurada sidaasna dhiig baxa ciridku uu u u bato,

QAADO FITIMIIN C

 Cunista cuntooyinka hodanka ku vitamin C waxay kuu  xoojin karaan nidaamka difaaca jirka waxayna kaa caawin kartaa inaad la dagaallanto infekshanka ciridka oo keena cirridka dhiigga,
Cuntooyinka aad ka heli karto Fitamin C ayaa waxaa kamid ah
Liinta noocyadeeda oo dhan, bataatiga iyo kaarootka sidoo kale fitamiin C waxaa la helaa kaniini ah,

–  QAADO FITAMIIN K

 qaadashada fitamiin K ayaa sidoo kale lagu yareeyn karaa cirridka dhiigga. Vitamin K waa nafaqo muhiim ah maxaa yeelay waxay ka caawineysaa dhiiggaaga in uu yeesho xinjir si uusan dhiig bax u imaan.
Cuntooyinka qayb kamid ah sida Mooska,  basasha iyo yaanyo ama tabaano xabuubta ayaa laga helaa hasa yeeshe waxaa jira kaniiniyaal Fitamin K  ah.

KU LUQ-LUQO AMA AFKA KU DHAQO MAR WALBA BIYO DIIRAN OO CUSBO LAGU QASEY.

 Sababtoo ah bakteeriyadu iyo infakshanka afku wuxuu keenaa caabuqyada ciridka, si joogto ah ugu luqluqa afkaaga biyo isku diirran oo cusbo ah ayaa laga yaabaa inuu yareeyo bakteeriyada oo joojiyo dhiiga

  • KU CADEYSO DHIRTA SHAAHA NOOCA LOO YAQAANO DHAGA YARAHA.

DHagaha yaraha ayaa la tijaabiyo in uu qayb weyn ka qaato caafimaadka afka guud ahaan siiba ilkaha iyo ciridka,
Tumo oo buto ka dhigo kadiba afka ku shubo mar walba oo aad cadeysanayso,

  • CADEYSO MAALINTII UGU YARAAN LABO JEER.

in aad cadeysato waqti badan ayaa ka hortag iyo daawo u ah cirid dhiiga iyo caafimaadka dhamaan afka,
Waxaa ka sii fiican in aad cadeysato mar walba oo aad wax cunto dabadeed,
Rasuulkeenii Suubanaa NNKH ayaa laga wariyey xadiis ahaa

 ““ hadii aad cadeysato salaada ka hor inta aadan galin salaadaas waxa ay ka fadli badan tahay 75 salaadood oo aadan cadeysan inta aadan galin””

Waad maqashay ayaan filayaa Rasuulkeena Suubanaa NNKH sida uu uga dar-daadmey cadeyga.

Marka halagu dadaala cadeyga waa caafimaade.

  • KU CADEYSO CADEY AMA BURAASH JILICSAN.

 In aad ku cadeysato cadey jilicsan oo softi ah ayaa ka hortag iyo daawaba u ah cirid dhiiga maadaama cadeyga adag uu dhaawici karo ciridka,
sidoo kalana iska badal cadeygaada 1kii bilba mar inta aad haysatana bishaas ku dadaal nadaafada cadeygaada oo dhigo meel aan wasakh iyo bakteeriyo aysan gaareen.

in aad sameyso intaan ayaa kaa caawinaysa caafimaadka guud ee afkaada dhamaantiis fadlan ku dadaal,

Soomaalidu dhib badan uma qabaan cirid dhiigga oo waxa ay u qabaan wax iska caadi ah balse waa dhibaato u horseeda oo keenta in ilkuhu ay kaa daadaataan oo suus galo xanuun badanna ku keenta.

Gaarsii asxaabtaada una SHARE garee ama halkaan ugu yeer si ay uga faaiideystaan.

Mahadsanidiin

Dr amen

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s