X BADAN KA OGOOW CIRID DHIIGGA AMA ILKO DHIIGGA MARKA AAD CADEYSANAYSO AMA AAD RUMEYSANAYSO AH.

Cirrid dhiigga waa calaamada ugu badan ee cudurada ciridka lagu arko, Laakiin waxay sidoo kale ay tilmaami kartaa dhibaatooyinka kale oo caafimaad,

Inta badan Soomaalida waxa ay u qabaan halka uu dhiiggu ka yimaado in ay yihiin ilkaha lkn ma ahn oo waa ciridka,

Dhiig-baxa mararka qaarkood ee cirridka waxaa sababi kara in aad si xoogan ilkahaaga u cadeysato oo ah si aan u habooneyn caafimaadka ilkaha

Dhiig-baxa joogtada ah ee ciridka wuxuu kaloo sheegi karaa xaalado halis ah, oo ay ka mid yihiin:

-periodontitis (oo ah mid kamid cudurada ku dhaca ciridka)
-leukemia ( oo iyaduna ah kansarka ku dhaca dhiigga)
-vitamin deficiency ( oo iyaduna ah in fitimiiniaku ay jirkaada ku yar yihiin
-lack of platelets ( oo iyaduna ah in in dhiigga qaybta xinjireysa ay jirkaada ay ka maqantahay,

MAXAA SABABI KARA IN ILKUHU AMA CIRIDKU AY DHIIGAAN MARKA AAD CADEYSANEYSO?

  • in aad qabto caabuqa ku dhaca ciridka ee loo yaqaano( Gingivitis) oo ah midka ugu badan ee sababa cirid dhiigga waxaana caabuqan ciridka ku dhaca inta badan sababa huurada oo ku aruurta ciridka oo aadan si fiican u cadeysan ama aadanba cadeysan jirin dabadeed halkaas ay ku dhalato bakteeriyo sidaasna uu caabuq ugu dhaco ciridka mar walbana uu dhiigo,

-Periodontitis oo ah isna caabuq halis ah ku dhaca ciridka iyo lafaha hoose afka iyo daanka ayaa sababi kara cirid dhiigga xanuunkanna waxa uu yimaada marka aad iska daaweyn waydo caabuqii kore ee isna keenayey cirid dhiigga ee loo yaqaaney (Gingivitis) waxa uu keeni karaa hadii aan la iska daaweyn ugu danbeyn in ilkuhu ay kaa daataan.

-Fitimiiniska K iyo C oo jirkaada ku yaraada ayaa keeni kara cirid dhiigga.

  • sidoo kale hooyada uurka leh ayaa iyaduna caan ku ah cirid dhiigga taas oo u keeneysa isbadalka ku yimid hoormoonada jirkeeda,l waana xaalad inta badan caadi ah oo ay hooyadu ka bogsato marka ay dhasho oo ay saxmaan hoormanadeeda.
  • sidoo kale waxaa Cirid dhiigga keeni kara marka aad isticmaasho ama aa cunto daawooyinka hoos u dhiga xinjiraha dhiiga sida sadexdaan daawo (warfarin, aspirin, and heparin.)
  • sidoo kale waxaa keeni kara xanuunkan cirid dhiiga ah in aad ku cadeysto cadey qof kale oo caabuqyada ciridka qabey.
  • waxaa kale oo keeni kara cirid dhiiga in aad wax ka yar labo jeer aad maalinkii cadeysato, ama aad ku cadeysato buraash ama geed cadey aad u adag oo dhaawacaya ciridka aadna xoog ugu cadeysato,
  • waxyaalo kale oo badan ayaa keeni kara sida ilkaha in aad gashato cinjirka ilkaha ah ana ay kuu xiranyihiin.

SIDEE LOO DAAWEEYA CIRID DHIIGA?

Nadaafadda ilkaha ee wanaagsan waa talaabada ugu horeysa ee lagu daawaynayo cirridka dhiigga ee mar walba nadiifi afkaada,

Booqo dhakhtarka ilkaha laba jeer sannadkii si aad u hubiso caafimaadka ilkahaaga,

Dhakhtarkaaga ilkaha ayaa kuu sheegi doona haddii aad qabto gingivitis oo ah cuuqa ciridka ku dhaca

Sidoo kale dhakhtarka ayaa ku bari doona sida ugu wanaagsan ee loo cadeysto oo ah in aad ku cadeysato Cadey ama buraash jilicsan aadna maalintii ugu yaraan 2 jeer cadeysataa ama hadii aad awoodo cunto walbo kadib aad cadeysato,

Sidoo kale waa in aadan cadeyga bil kabadan aadan isticmaalin oo aad iska badashaa buraaashka,

Sidoo kale waa in aad meel fiican oo nadiif ah u dhigataa buraashka ama cadeyga si fiicanna aad u dhaqdaa ama u meyrtaa buraashka ka hor inta aadan cadeysan.

Dhakhtarka ayaa sidoo kale ku siinaya daawooyin loo yaqaano “antiseptic mouthwash” oo yareynaya caabuqa ciridka.

Haduu Alle inoo qadaro mowduuca inoo xiga ayaan uga hadli doonaa habka adiga oo gurigaada jooga aad iskaga daaweyn karto cirid dhiigga

u SHARE garee asxaabtaaada aad isleedahay waa anfacayaa casharkaan ama halkaan ugu wac si uu uga faaiideysto.

Mahadsanidiin

Dr amen

Share

BADAN KA OGOOW CIRID DHIIGGA AMA ILKO DHIIGGA MARKA AAD CADEYSANAYSO AMA AAD RUMEYSANAYSO AH.

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s