WAX BADAN KA OGOOW IN CADAADISKU DHIIGA IN UU HOOS U DHACO (Hypotension)

Hypotension waa marka cadaadiska dhiigu  uu hoos u dhaco,
Sida caadiga ah qofku caafimaadka qaba  cadaadiska dhiigiisu qaybta sare waa in ay ahaataa 120 millimeters of mercury (mm Hg),
 halka qaybta hoosana laga rabo 80 millimeters of mercury (mm Hg),

 GOORMA AYEYNU DHIHI KARNAA QOFKAA WAXAA HOOS U DHACAY CADAADISKA DHIIGIISA?

Hadii cadaadisku dhiigu uu ka hoos maro qaybta sare 90 mm Hg halka qaybta hoosana ay hoos uga dhacdo 60 mm Hg ayeynu dhihi karnaa qofkaan waxaa hoos u dhacay cadaadiska dhiigiisa wuxuuna galey mar xalada khatarta ah ee  (Hypotension),

 MAXAA KU SABABI KARA DHALINYARTA XANUUNKAN?

-in aad dhiig baxdey siiba haweenka xiliga caadada ama aad dhiig u shubtey qof kale ayaa keeni karta caadidiska dhiigu in uu hoos u dhaco,

-Qaboow badan in uu jiro ama uu kuleel badan uu jiro ayaa iyana waa ay sababi karta in cadaadisku uu hoos u dhaco maadadaama heer kulka jirka ay  wax iska badaleen,

-Murqaha Wadnaha in uu ka jiran tahay ayaa qofku iyana ku sababi karta maadaama murqaha wadnuhu aysan awood badan u lahayn in ay dhiig badan u bambeeyaan jirka,

  • caabuq badan in uu ku dhaco qulqulka dhiiga ayaa hoos u ridi karta in cadaadisku dhiigu uu dhaco,

-fuuq baxa ka yimaada mataga ama shubanka iyo qandhada ayaa iyana sababi karta in cadaadiska dhiiga uu hoos u dhaco.

  • in aad qaadato xadi badan oo daawada hoos dhigta ee loogu tala galey in lagu daaweeyo dadka qaba Dhiigkarka oo xanuunkan ka soo horjeeda maadaama dhiikarku uu isna yahay cadaadiska dhiiga oo kor u kacay,
  • haweeneyda uurka leh ayaa iyana cadaadiska dhiigeedu uu hoos u dhici kara
     Maadaama nidaamka wareegga dhiigga uu si degdeg ah u faafo inta uurka la joogo, cadaadiska dhiigga ayaa laga yaabaa inuu hoos u dhaco. Tani waa caadi, cadaadiska dhiigga wuxuu caadiyan uu ku soo noqdaa heerka uurka kahor kadib markii ay dhasho hooyadu,
  • Nafaqada la’aanta cuntada ayaa iyana keeni karta la’aanta fitamiinada B-12 iyo folate waxay jidhkaaga ka ilaalin kartaa in uu soo saaro  unugyada dhiiga cas oo ku filan (dhiig yaraanta), taasoo keenta cadaadiska dhiiggu in uu hoos u dhaco,
  • xasaasiyada iyo khalkhal ku yimaada dheecaanada jirka ayaa keeni karta in uu cadaadisku dhiigu uu hoos u dhaco,

CALAAMADAHEE KA SOO MUUQAN KARA QOFKA CADAADISKA DHIIGIISU UU HOOS U DHACAY?

  • dawakhaad iyo niyad jab,
  • suuxdin,
  • aragtida oo yaraata ,
  • lalabo iyo matag iyo daal,
  • isku dheeli tirnaanta qofka ayaa yaraata,
  • shoog ayuu qofku gali karaa
  • garaaca wadnaha ayaa yaraanaya
  • gacmaha calaalcalaha ayaa qaboow noqonaya, midab cadaan xigeen ah ayey yeelanayaan,

SIDEE LOO DAAWEEYAA QOFKA CADAADISKA DHIIGIISU UU HOOS DHACO,

  • in qofka la siiyo faleenbayaal cusbo ah maadaama Sodiumtu ay kor usoo qaado cadaadiska dhiiga,
  • in qof la siiyo biyo aad u faro badan
  • in la siiyo daawoooyinka dhiiri galiya in kir loo soo qaado dhiiga sida fludrocortisone, oo ah daawo qulqulka dhiiga sare u qaada,

 dhakhtar kaliya ayaa ku siin kara daawaadaan maadaama macquul tahay dhibaato hor leh in ay kuu keento hadaad iskaa u qaadato ama qof u siiso adoon cilmi u lahayn.

Mahadsanidiin gaarsiiya asxbaatiina una SHARE gareeya.

Dr amen

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s